Al-Shabaab Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla Waajid, Bakool

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasoo uu ka dhacay iska horimaad kooban oo u dhexeeyay labada dhinac. Dagaalka ayaa socday mudo kooban, iyadoo labada dhinac ay isticmaalayeen hub kala duwan, waxaana ugu dambeyntii dib looga riixay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Saraakiisha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay jebiyeen xubnihii weerarka soo qaaday, iyagoo ka qabtay maxaabiis iyo hub ay saarnaayeen. War kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga degmada Waajid ay ka hortageen weerar Al-Shabaab ku soo qaaday degmada, waxaana laga helay muuqaal duubisyo ay weerarka kaga qayb qaateen, waxaana mid ka mid ah weeraryahanada lagu magacaabay Cabdullahi Axmed Maxamed (Cabdicasiis).

Cabdicasiis ayaa la xiray, waxaana lagu geeyay xabsiga Waajid halkaas oo lagu bilaabay baaritaanno iyo su’aalo weydiin. Sidoo kale, laamaha amniga ee Waajid ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo miino ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku aaseen agagaarka garoonka diyaaradaha degmada iyo inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *