Ciidamadii Ahlu-Sunna Oo Dib Loo Aas-Aasay: Xoog Cusub Oo Kusoo Biiray Xiisadda Galmudug

Guriceel, Somalia – Ciidamadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa dib loo aas-aasay, kadib markii muddo maalmo ah laga waday qorshe lagu dhisayo cudud ciidan oo xoogan. Munaasabad lagu soo bandhigay ciidanka cusub ayaa maanta ka dhacday Guriceel iyo Dhuusamareeb, taasoo muujinaysa isbedel cusub oo ka dhacaaya gobolka Galmudug.
Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay gadaal ka riixayso dib u dhiska Ahlu-Sunna, iyadoona ujeedada ugu weyn lagu sheegay in dib loo xoreeyo degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Tani waxay qayb ka tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda AS, kaasoo dhowr jeer ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xoojinayso.
Xiisad Siyaasadeed Iyo Militariga Galmudug
Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa si weyn uga walaacsan abaabulka cusub ee Ahlu-Sunna, wuxuuna xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maamulkiisa. Wararka ayaa sheegaya inuu ciidamo geysay deegaanada ku xeeran Dhuusamareeb, si uu uga hortago awood-siyaasadeed iyo ciidan oo kusoo kordha gobolka.
Ahlu-Sunna, oo horey ugu xoog badnayd gobollada dhexe, ayaa la xusuustaa inay kaalin weyn ka qaadatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa horseeday in laga saaro magaalooyinka waaweyn. Haddaba, dib usoo laabashadooda waxay dhaliyeen su’aalo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga Galmudug.
Wali lama oga sida ay isbedelkan u saameyn doonto xaaladda guud ee gobolka, balse waxaa la filayaa inay sii kordhaan xiisadaha u dhexeeya Ahlu-Sunna, maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka, xilli dagaalka Al-Shabaab uu wali halis weyn ku yahay amniga dalka.
Waxaa la sugayaa tallaabooyinka xiga ee dhinacyada iska soo horjeeda qaadi doonaan, iyadoo xaaladda Galmudug ay u muuqato mid mar kale qarka u saaran isku dhacyo hor leh.