Erdogan wuxuu mar kale xaqiijiyey taageerada uu u hayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud magaalada Ankara, isagoo mar kale xaqiijiyay sida Turkiga uga go’an tahay amniga, wadajirka dhuleed, iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Intii lagu jiray kulanka ka dhacay xarunta madaxtooyada Khamiistii, Madaxweyne Erdogan wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu muhiimad weyn siiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana uu sii wadayo taageerada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni,

Turkiga ayaa muddo dheer xulafo la ahaa Soomaaliya, isaga oo bixiyay gargaar bini’aadantinimo, tababar ciidan, iyo taageero horumarineed. Erdogan wuxuu caddeeyay in Turkigu sii wadi doono taageeradiisa aan leex-leexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Iskaashi la dagaallanka argagixisada

Sida laga soo xigtay bayaanka ay soo saartay Waaxda Isgaarsiinta ee Turkiga, labada hoggaamiye waxay sidoo kale ka wadahadleen xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada. Erdogan wuxuu xaqiijiyay in Turkigu si adag ula garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.

“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu u fidinayo Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri Erdogan, isagoo muujiyay muhiimada iskaashiga amni ee labada dal.

Xoojinta xiriirka dhaqaale iyo difaac

Marka laga soo tago arrimaha amniga, wadahadalka labada hogaamiye wuxuu sidoo kale diiradda saaray iskaashiga dhaqaale, ganacsi, iyo difaac. Erdogan iyo Mohamud waxay ka wadahadleen xoojinta ganacsiga labada dal iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya warshadaha difaaca, taas oo muujineysa sida Turkiga uga go’an yahay horumarka Soomaaliya.

Turkiga ayaa door weyn ka ciyaaray horumarinta kaabeyaasha, caafimaadka, iyo waxbarashada Soomaaliya. Kulankani wuxuu sii xoojiyay iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka heerkiisu sarreeyo ee ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa siyaasadda guud ee Turkiga ee Afrika, halkaas oo uu doonayo in uu ballaariyo xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo amni, isaga oo taageeraya xasilloonida gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *