Faarax Caydiid Jaamac Oo Si Arxan Darro Ah Loogu Dilay Magaalada Laascaanood

Laascaanood (SomNews24.com) – Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan dil naxdin leh oo loo geystay Faarax Caydiid Jaamac, kaas oo lagala baxay hoygiisii uu ka daganaa magaalada Laascaanood, ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo, ka hor inta aan si arxan darro ah loo dilin.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in marxuumka laga qaaday gurigiisa si qarsoodi ah, waxaana maydkiisa laga helay Dooxada Ceelka Goojacade, isagoo ay ka muuqdaan jirdil culus iyo dhaawacyo fara badan, waxaana sidoo kale laga qaaday telefoonkiisii gacanta.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in marxuumka uu lahaa dhaawacyo badan iyo rasaas lagu dhuftay, taasoo muujineysa in si xun loo jir-dilay ka hor inta aan la toogan. Sida laga dheehan karo muuqaallada meydka, waxaa muuqata in falkaasi uu ahaa mid si abaabulan loo fuliyay, waxaana ka dhashay cabsi iyo dareen xumo xoog leh oo ku faaftay magaalada.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin, oo uu bartiisa Facebook kusoo qoray weriyaha Gaylan Media, ayaa sheegaya in Faarax Caydiid Jaamac uu ka mid ahaa saraakiisha Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe, islamarkaana uu ahaa khabiir ku takhasusay arrimaha amniga.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen gelinkii dambe ee shalay ku sheegay in ay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo la xiriira dilka marxuumka. Afhayeen u hadlay maamulka ayaa xusay in shacabka lala wadaagi doono natiijada baaritaanka marka ay soo gabagabowdo, iyadoo la ballan qaaday in caddaalad buuxda la marsiin doono cid kasta oo ku lug leh falkaas foosha xun.
Dilka Faarax Caydiid Jaamac ayaa noqday mid dareen xooggan ka dhaliyay guud ahaan gobolka, waxaana shacabka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ay codsanayaan in si degdeg ah loo helo cadaalad iyo in la ogaado cidda ka dambeysa falkaasi arxan darrada ah.
Waxii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan arrintan, kala soco SomNews24.com.