Garoowe: Iska Horimaad Sababay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac

Garoowe – Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sababay dhimashada laba askari, halka afar kale ay ku dhaawacmeen, oo uu ka mid yahay Taliyihii Garoonka Diyaaradaha ee magaalada.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horimaadka uu ka dhacay Kantaroolka dhinaca Bari ee Garoowe, halkaas oo ay isku dhaceen ciidamada booliska iyo cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka.
Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in rasaasta ay socotay muddo kooban, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sababta rasmiga ah ee isku dhaca weli lama xaqiijin, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee Garoowe.
SomNews24.com waxa uu si dhow ula soconayaa xaaladda, wixii warar dheeraad ahna kala soco boggeenna.