Madaxda Dowladda Faderaalka oo go’aano waa weyn ka qaatay dagaalka Al shabaab

Madaxda Dowladda Faderaalka ah, taliska guud ciidanka, maamulka Hirshabeelle, hogaanka dhaqanka iyo saraakiisha Macawisleeyda ayaa kala qaatay go’aano iyo waajibaad wax ku ool ah oo lagu “cirib tirayo dhaq dhaqaaqa argagixada ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha Milatariga ayaa u sheegay SomNews24, in madaxweynaha uu qaatay go’aan kama dambays ah oo kooxda laga dhabarjabinayo asbuucaan guddihiisa. Waa duulaan loo dhanyahay oo kama dambays ah ayay saraakiishu ku qeexeen.

Su’aashu se waxa ay tahay malooga dabi tagi doonaa geedkaste oo galaan mise waxaa dib looga riixi doonaa oo kaliya gobolada caasimada kulaala?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *