Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeediyay Khudbad Taariikhi ah Habeenka Ciidda

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa oo ay tahay habeen Ciid ah jeediyay khudbad taariikhi ah oo uu kaga hadlay arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa si gaar ah diiradda u saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah amniga iyo horumarka dalka. Wuxuu tilmaamay in ciidamada qalabka sida ay guulo waaweyn ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isagoo xusay in howlgallada socda ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro dhammaan kooxaha nabadda diidan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amaan ballaaran u jeediyay ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa u taagan difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku bogaadiyay geesinimada ay muujiyeen iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay dalka uga dhigi lahaayeen mid nabdoon. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidamada qaranka si loo xaqiijiyo guulaha laga gaarayo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday baahida loo qabo shirweyne qaran oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowlad-goboleedyada. Wuxuu sheegay in shirkan uu noqon doono mid lagu xoojinayo wadajirka qaranka, islamarkaana looga arrinsan doono mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, si loo helo hannaan mideysan oo lagu wajaho caqabadaha jira.

Madaxweynuhu wuxuu ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoo u rajeeyay in ay ku ciidaan nabad, barwaaqo iyo is-jaceyl. Wuxuu ugu baaqay dhammaan bulshada in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo midnimada dalka, si loo gaaro Soomaaliya horumarsan oo nabdoon.

Daawo Khudbadda oo Dhameystiran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *