NIRA Waxay Beenisay Eedaymaha La Xiriira Xarunteeda Gaalkacyo

Gaalkacyo, Maarso 23, 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa si cad u beenisay eedaymaha lagu faafiyey baraha bulshada ee la xiriira xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo, qeybta Galmudug. NIRA waxay xaqiijisay in foomka lagu baahiyey baraha bulshada uu yahay mid been-abuur ah, isla markaana foomamka rasmiga ah ee hay’adda laga heli karo kaliya websaydkeeda iyo xarumaheeda la og yahay.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay hay’addu soo saartay, waxay ku sheegtay in aysan jirin wax go’aan ah oo ay gaartay oo la xiriira deegaannada Puntland ee hoos taga Galmudug. NIRA waxay uga digtay bulshada in ay taxaddar muujiyaan marka ay la macaamilayaan xogaha la faafiyo, gaar ahaan kuwa aan laga helin ilo rasmi ah.
Hay’adda NIRA, oo ah hay’ad heer federaal ah, waxay sheegtay in ay si rasmi ah u billowday bixinta adeegeeda ee dowlad-goboleedyada kala duwan ee dalka, kuwaas oo ay ka mid tahay Galmudug. Xarunta ay ka furtay magaalada Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka ee dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, NIRA waxay xustay in ay u hoggaansan tahay sharciga iyo dastuurka dalka, ayna go’an tahay in si hufan oo caddaalad ah loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed. Bulshada ayaa lagu dhiirrigeliyay in ay isticmaalaan kanaallada rasmiga ah ee hay’adda si ay u helaan xog sax ah oo la xiriirta diiwaangelinta iyo aqoonsiga qaranka.